webi dhagaxle
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Webi dhagaxle
Stone river

Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gebidhacle
(Gebidhacla-ha)
Aan bohosha salkeeda ama ceelka salkiisa toos loo aadine, hadba gebi laga dhaco, ama lagu sii dhaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gebidhacle
m.l Socod dalambaabi ah oo hadba dhan loo dhaco. la-mid: gebidhaclayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gebidhacle
m. n. rolling ~ falling down, rolling over and over
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gebidhacle
-ha: (magac, lab, keli) bohosha ama ceelka aanan salkooda toos loogu dhicin ee hadba gabi lagu sii dhaco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gebidhacle
de: rolling ~ falling down, rolling over and over
lx: gebidhacle
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: gebidhacle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weji dhexe
m.l (baayoloji) Heerka ugu weyn ee qaybsanka bu'da, kaas oo xuubka bu'du uu baaba'ayo, koromosoomyaduna ay imanayaan badhtanka xiddigaha, kaddibna waxa bilaabma kala durugga koromaatidhyada.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Weji dayaxeed
Lunar phase
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabid-dhaqaale
(n) 1. subsidy (sab sidi); 2. (v) subsidise (sab-sidheeys)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waagii dhagaxa
m.l (waayahii ..., m.l) (taar.) Waqtigii aadamigu isticmaalay qalabka iyo warmaha dhagaxa ka sameysan, ee ka horeysey markii ugu horreysey ee helaan ay bir ceedhiin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
waagii dhagaxa
m.l (waayahii ..., m.l) (taar.) Waqtigii aadamigu isticmaalay qalabka iyo warmaha dhagaxa ka sameysan, ee ka horeysey markii ugu horreysey ee helaan ay bir ceedhiin.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Waagii dhagaxa
Stone age
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Abtudhaale
magac loo baxsho wiil lagu faaninayo in uu ka dhashay reer awood iyo sharaf leh oo dadka ka hooseeya u tudha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gebi ahaan
[adverbial] [expression] as a whole, in general, generally
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedagable
-ha: (magac, lab, keli) cayayaan looxa cuna oo baalasha sare qolof adag ku leh. Loox ii kaydsanaa geedagable ayaa madhiyey. Dh: xar.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Hab dagaal
stratégique.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
weji gabax
shy, feeling embarrassed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dembi dhaaf
-ka: (n) the act of forgiving or excusing; pardon (paar-dhen); forgiveness (fer-giv-nes); amnesty (aam-nest); absolution (ab-suuli-shin) ~ cafis Ex: dambi dhaafku waa fiican yahay; the forgiveness is good
u dambi dhaaf -ay / tay: (v) forgive (feer-giv) someone; excuse (ekis-kiyuuz); condone (kon-doori) ~ cafi, saamax, masaamax
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gebidhaclee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) 1. Si dalambaabi ah u socosho. 2. Wax hadba dhinac ku dhicid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gebidhaclee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) 1. Si dalambaabi ah u socosho. 2. Wax hadba dhinac ku dhicid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gebidhaclee
v. roll over and over, fall head over heels; blunder
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gebidhaclee
de: roll over and over, fall head over heels; [fig.] blunder
lx: gebidhaclee
pd: (gebidhacleeyey)
ps: v2b=
key: gebidhaclee
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Loox dhagax
Slate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wedkiidhale
-ha: (magac, lab, keli) qof isagoo gaboobay ilmo yar dhala. Raggu waa walaalkii dhale, wiilkii dhale iyo wedkiidhale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afkudhagarle
-ha: (magac, lab, keli) qof dadka isku. dira; qof diradiraale ah oo hadalka uu yidhaahdo dadku isku dilo. Afkudhagarle iyo dhagarqabe waa walaalo. Dh: namiim, diradiraale, iskudire.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kubadhagaxow
(Kubadhagaxow-ga)
Kolka calooshu qallasho oo saxarada imaatinkeedu yaraado ama dhib noqdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kubadhagaxow
kubadhagaxow¹: m.l Kolka calooshu qallasho oo saxarada imaatinkeedu yaraado ama dhib noqdo.
kubadhagaxow²: f.mg1 (-oobay, -owday; - oobi) Kubadhagaxow ku dhicid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kubadhagaxow
m. n., [compound] page 1: constipation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kubadhagaxow
(fal) calooshu ha ku adkaato oo sindho ha kaa iman weydo.
kubadhagaxow -ga: (magac, lab, keli) kolka calooshu qallasho oo saxarada imaatinkeedu yaraado ama dhib noqdo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kubadhagaxow
de: constipation
lx: kubadhagaxow
pd: (-ga)
ps: n2a-m-cmp
key: kubadhagaxow
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
wejidayaxeed
m.l (-iyo ..., m.l) (c.fal.) Heerarka kala duwan ama isbeddellada muuqaalka oo dayaxu maro markuu ku wareegayo dhulka, waxaana loo yaqaannaa dayax cusub, dayax buuxa, iyo wixi lamida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejidayaxeed
-ka: (magac, lab, keli) heerarka kala duwan ama isbeddellada muuqaalka oo dayaxu maro markuu ku wareegayo dhulka, waxaana loo yaqaannaa dayax cusub, dayax buuxa iyo wixii la mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wejidhigasho
-da: (magac, dhedig. keli) abaaldhigasho. Wejidhigashadu adigiyo ubadkaagaba waa u dan.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Webi barafeed
Fluvioglacial
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Webi dallacan
Antecedent river
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weji-dayaxeed